Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga oo u Hambalyeeyey Ilhaan Cumar

Wararka Maanta

ilhaan-somali

Sida uu qoray wargeyska TurkPress Wasiirka Arimaha dibadda dalka Turkiga Mouloud Jawish Ouglo ayaa khadka taleefanka kula xariiray gabadha Maraykanka ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya Ilhaan Cumar, isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaartay ka mid noqoshada golaha Congress-ka Maraykanka.

Wasiirka ayaan Ilhaan ugu hambalyeyay guusha ay gaartay iyada oo ah gabar muslim ah oo xijaaban, Mr. Ouglo ayaa ilhaan u rajeeyey in ay ku guuleysato howsha hortaalo.

IlhaanCumar oo ah gabar Soomaali-Maraykan ah isla markaana dhawaan Kursiga xaafada 60B ee Congress-ka Minnesota ku guulaysatay, iyadoo heshay 80%, halka mushirixii la tartamayey Cabdi Maalik Askar oo ka socday xisbiga Jamhuuriga uu helay 19.4%.

Ilhaan ayaa sanadkii 1982 ku dhalatay Soomaaliya, waxaana iyadoo sagaal sano jir ah u qaxday dalka Kenya,kadib Markii dalka Soomaaliya ka bilowdeen colaad sokeeye, afar sano oo ay ku nooleyd xerooyinka qaxootiga kadib waxa ay reerkoodu u guureen dalka Maraykanka, halkaas oo ay si fudud u baratay Luuqada Ingiriiska, Markii ay jirtay 14 sano waxa ay ku shaqeysay Turjumaanimo.

Ilhaan ayaa laba shahaado jaamacadeed ka qaaadatay culuumta Siyaasada iyo Daraasadaha caalimiga ah.

W/Turjumey: Maxamed Dhagacade

Halkaan ka aqri warbixinta uu wargeysku qoray oo carabi ah

Comments are closed.