Wasiir Odowaa oo ku guuleystay dhammeystirka Federaaleynta Soomaaliya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka HirShabelle ayaa ugu dambeyn la soo dhameystiray, kaasoo in ka badan 9 bilood loo fadhiyey  Magaalada  Jowhar oo iminka u soo banbaxday in ay noqoto caasimada maamulkaas oo dhisaddiisa intuu uu socday ay soo wajaheen caqabado iyo jahwareer  oo ay marar badan shirka ay ka baxeen odoyada qabaa’ilada dega labada gobol.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo wasiirkeeda Odowaa oo garwadeen ka ahaayeen dhisada maamulka HIRSHABELLE ayaa la dhihi karaa waa u dhabar adeegeen dhisadda maamulkaas oo iminka si buuxda dhidibada loogu taagay, kana mid noqday maamulada heer federal ee ka jira dalka,

Maamulka HIRSHABELLE ayaa iminka soo buuxiyey kursigii iyo codkii uu ku lahaa madasha wadatashiga Qaranka  oo in badan uu dibad joog ka ahaa.

Wasiirka arrimaha Gudaha Md Odowaa ayaa ahaa shakhsiga ku ammaanan inuu maamulka HIRSHABELLE uu soo dhameystirmo, yeeshana madaxdii hogaamin laheyd.

Mudane odowaa ayaa ahaa shakhsi aan ka daalin, kana niyad jabin caqabadihii badnaa ee shirkaan hareeyay, waxa uu inta uu shirkaan socday magaalooyin badan ku booqday waxgaradka beelaha dega labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo beel walba dareensiinaayey in ay yihiin door weyn oo saldhig u ah dhisidda maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mr odowaa ayaa ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu saameynta badnaa ee soo mara dowladda Madaxweynaha iminka xilka ka sii dhamaanaya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa uu inta uu hayay xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha uu garwadeen ka ahaa labada Maamul ee  GalMudug iyo HirShabelle oo labadaba ahaa maamul goboleedyada kaliya ee si ku dhisan hab maamuus sareeya ku doortay Madaxweynayaasha labada maamul, marka loo eego maamulladii ka horeeyey oo qaab muran badan geliyey lagu dhisay.

Labada Maamul ee GALMUDUG Iyo HIRSHABELLE ayaa isaga mid ahaayeen in Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay soo doorteen Xildhibaanada Maamuladaas oo markii hore ka yimid xulusho qabaa’ilada dega labadaas gobol, dad badan ayaa aaminsan in tani ay ku timid howlwadeennada Wasaarada Arrimaha guduha iyo Wasiirkeeda Odowaa oo geed dheer iyo mid gaaban u koray in maamuladaas ay dhistaan maamul dhameystiran oo ka tarjuma shacabkooda.

Sidoo kale waxaa uu kaalin fir fircoon ka qaatay dhameystirkii dhismaha maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay hormuud ka aheyd

Kootada Dumarka oo aheyd is qabqabsi halkiisa yaala ayaa haweenka dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ku aamanayaan in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku abaal mariyey in doorka haweenka uu noqdo mid muuqda oo 19 Xildhibaan dheeri ugu daray kadib markii 98da Xildhibaan la isku raacay inuu yeesho maamulkaas ay haweenka ka heleen 4 xildhibaan, tani ay noqoto mid haweenka ay niyadjab weyn ay ka muujiyaan, waxaana uu iminka maamulkaas lahaanayaa 117 xildhibaan oo 19 dheeri ah ay ka heleen haweenka dega labadaas gobol, guusha u soo hoyatay Haweenka ayaa ah mid ay si weyn ugu amaanayaan Wasiir Odowaa oo kaalinta haweenka aan iloobin, isla markaana tirada haweenka xildhibaanka ku jira gaasrsiiyey 20% .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah tan ugu shaqada badan Wasaaradaha hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la dhihi karaa waxa ay door muhiim ah ay ka cayaartay habka dhaqaajinta Maamulka Federaalka ee ay dowlada ku dhisan tahay.

( Haddii ay Degdegsiimo Door Dhali Laheyd Kaadsiimana Kiish Lacag )

Wasiir Odowaa oo ah shakhsi firfircoon, isla markaana howlkar ah ayaa ahaa midkii suura geliyey in Wasaaradda ay ku dhameystirto muddo labo sano gudahood nidaamka goboleysiga ee Federaalka ku dhisan, waana mid wax badan la xasuusan doono.

Xigasho: Jowhar.com

Comments are closed.