Qaraxyadii Muqdisho oo la soo afjaray

Wararka Maanta

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay in la toogtay Afar ka mid ahaa Raggii weerarka ku qaaday dhismaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guud ahaan Waxaa lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda, waxaana hadda gacanta ku haaya Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa hadda xaqiijinaya dhismaha weerarka lagu qaaday, waxaana halkaasi ka muuqda burbur xooggan.

Wali si rasmi ah looma Oggaa Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxyaddaasi maanta ka dhacay Muqdisho.