Warmurtiyeed Shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada

Wararka Maanta

WAR-MURTIYEED
Kismaayo
TAARIIKH- 04-08-September 2018

Shirkii 3aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Ku meelgaarka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismayo ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaman xubnaha hogaamiyeyaasha Golaha- Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaasahna Gudommiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha, Madaxweynaha Koonfur
Galbeed Mudane Sharif Xassan Shiikh Aden, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle iyo Madaxweynaha Jubbaland oo martigaliyey shirka mudane Axmed Maxamed Islan.

Shirka oo socdey intii u dhaxaysay 04-08 waxaa ka soo qayb galey madax kale oo kor u dhaafayey ilaa 100 ergey oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyeyaaha Baarlamaananka Jubaland iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug , xildhibaano iyo Wasiiro kala matalayey Dowlad Goboleedyada ku bahoobey Golaha Iskaashiga.

Mudadii shirku socday waxay madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo
diirada lagu saarayey Amniga, Siyaasadda iyo Bulshada ee dalka, waxaana gebagabadii shirk ka soo baxay War-Murtiyeedkan:

  1. TACSI
    1.1Goluhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii ku
    dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ee ismiidaaminta ee ka dhacay Magalada Muqdishu 02-09-2018. Waxaana Ilaahey uga beryeynaa inuu u naxariisto kuwii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmeyna si deg deg ah uga
    booga dhayo.

  2. ARRIMAHA AMNIGA
    Kadib markii qiimayn, falaqayn iyo wadatashi dheer laga yeeshay arrimaha
    amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo dadaalada ku aadan sugida Amniga ee dalka.

2.1 Goluhu wuxuu garwaaqsaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS)
ay ku guul dareysatey maareynta Arrimaha Amniga taas oo keentay in ay xirmaan dhamaan jidadkii muhiimka u ahaa isu socodka dadka iyo ganacsiga sida: Jowhar-Xamar, Baydhaba-Xamar, Baraawe-Xamar, iyo kuwo kale oo badan, cadowga Alshabab iyo Daacishna la wareegeen gacan ku hanytooda.
2.2 Sidoo kale, Dowladda Federaalka waxay ku guuldareysatay in ay hogaamiso barnaamijka dhismaha Amniga Qaranka (National Security Architecture) iyo in ay soo bandhigto qorshe istaraatiji ah oo ay kula howl galayso Amisom iyo ciidamda Dowlad Goboleedyada. Waxaa dhacda marar
badan in la qaado dagaalo aan qorsheysanayn, loona diyaar garoobin, lagana talagalanin hay’adaha amniga ee Dowlad Goboleedyada, kuwaas oo ugu
dembayn ku dhamaada in goobo hor leh uu qabsado cadowgu, hubkii dowladana qaato. Waxaa la abaabulaa iska hor imaadyao qabiil sidii dhawaan ka dhacday Dawlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle
iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in la wiiqo Dowlad Goboleedyada laguna kordhiyo culays siyaasadeed oo aysan qaadi Karin.
2.3 Waxaa muuqata in barnaamijkii kala guurka Amniga (Security Transitional Plan) lagu soo koobay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda. Waxaa si cad looga gaabiyey in la furo xafiisyadii howlgalada amniga ee Dowlad Goboleedyada (RSO), taas oo niyad jab iyo kaalmo la’aan ku riday cidamada ka dagaalamaya gobolada.
2.4 Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa siyaasadeynta Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo haddii sida saxda ah loo maareeyo noqon karta lafdhabarta ladagaalanka Alshabab iyo Daacish. Sidoo kale, Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey in hay’adda loo isticmaalo ujeedooyn ka baxsan kuwii loo abuuray, iyo in la abuuro ciidamo gaar ah oo aan kamid
ahayn, kuna jirin haykalka Nabadgaliyada Qaranka (National Security Architecture). Goluhu wuxuu ugu danbayn cabsi ka muujinayaa in hay’ada Nabad sugida oo ah KEYDKA SIRTA QARANKA ay gacanta u gasho quwado shisheye.
2.5 Waxaa sidoo kale Golaha u cadaatey in badan oo kamid ah dhaqaalihii Amniga loogu talogalay loo leexiyey arrimaha siyaasadda, taasina ay keentay in hanaankii Amnigu wiiqmo, halkaasna ay xoogaga argagaxisadu ay ka heleen fursado hor leh oo ay ku waxyeeleeyaan shacabka.

2.6 Abuuritaankii Golaha Amniga Qaranka oo rajo weyn laga qabey inuu wax ka tari doono hagaajinta haannaanka Amniga iyo isfahamka iyo wadashaqeynta labada heer ee dowladda, gaar ahaan arrimaha la xirriira
Amniga, ayaa si guud loogu guuldaraystey. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa in dhamaan go’aamadii ka soo baxay kulamadii Golaha amniga Qaranka gaar ahaan kuwa la xiriiray Amniga aan ilaa hadda waxba laga fulin sida: Isla-qorsheynta Dagaalka, Howlgelinta Ciidamada si wadjir ah, qeybinta hubka, rasaasta iyo taakuleynta kale, daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ciidamada si siman.
2.7 Goluhu wuxuu isla qirey in ciidamada Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Daraawiishta iyo Booliiska gaarka ah ay yihiin kuwa ugu haboon la￾dagaalanka Aragagixisada Gudaha. Waxaase nasiib daro ah in Dowlada dhexe aysan garwaaqsanin muhiimada arintaas waana taas sababta keentay in aysan wax taageero ah ilaa iyo hada cidna ka helin. Sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Dowlada Dhexe iyo beesha caalamka in si deg-deg ah dib u eegis loogu sameeyo Siyaasada Amniga ee ku aadan taageeridda ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Dowlad Goboleedyada.

  1. ARRIMA SIYAASADA
    Mudadii shirku socday, madaxdu waxay si qoto dheer uga wada hadleen
    arrimaha siyaasadda si guud iyo si gaar ahaaneed kuwa khuseeya Dowlad
    Goboleedyada.
    .
    3.1 Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa qalalaasaha iyo kalataga siyaasaddeed
    ee soomaaliya gashay. Waxaa mudan in la xuso faragalinta iyo wiiqidda hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowlada. Qalalaahsahaas siyaasadeed wuxuu Dowladda ka weeciyey Shaqooyinkii muhiimka ahaa ee loo igmaday, halkii wakhtiga lagalin lahaa la-dagaalanka cadowga, u adeegida bulshada iyo horumarinta dalka.
    3.2 Goluhu wuxuu si cad uga digayaa faragalinta Dowld goboleedyada lagu
    hayo iyadoo loo isticmaalayo dhaqaale lala beegsanyo Baarlamaanada
    Dowlda Goboleedyada, magacaabida saraakiil ciidan oo aan lagala tashanin
    sida ku cadeyd is-fahamyadii London, Mogadishu iyo Baydhabo. Waxay tani cadeynaysaa in hogaanka sare ee dowlada dhexe aysan aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federaalka.
    3.3 Goluhu wuxuu cod dheer ku cadeynayaa in wax yar maahee Dakhliga
    Dowladda iyo Kaalamada Caalmiga ah ay ku baxdo Dowladda Dhexe iyo hay’adaheeda, si ka soo horjeedda hanaanka Federaalka.

3.4 Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa magacaabista baalmarsan Dastuurka
ee hay’adaha cadaaladda iyadoo oo aan loo eegin khibrad iyo aqoon toona, lana baalmaray sida waafaqsan shariciga soo xulidda, islamrkaasna aan la abuurin Gudiga Adeegga Garsoorka. Waxaa sidoo kale la siyaasadeeyey xafiisyadii madaxa banaanaa sida: Hanti Dhowrka Qaranka, Xeer ilaaliyaha
Guud iyo Maxkamadaha.
3.5 Wuxuu goluhu walaac ka muujinayaa in gaabis ka jiro shaqooyinka kala guurka oo ay kamid tahay dhamaystirka iyo dib u eegista Dastuurka, dhamaystirka haykalka federalaynta iyo in loo jeexo dalka dhabbo cad oo lagu gaari karo dimuqraadiyeynta.
3.6 Waxaa muuqata in Wasaaradda Dastuurku ee Dowladda Federaalka in ay ka
weecisay shaqooyinkoodii gudiyada dastuuriga ah, sidaas darteed Sharci
kasta oo la meel mariyo ka hor inta aan go’aan kamadambays ah laga gaarin
arrimaha awood- iyo khayraad-qaybsiga ee hadda wada xaajoodkiisu socdo, dowlad Goboleedyadu inaysan aqoonsan doonin.
3.7 Waxaa Goluhu walaac ka muujinayaa sida loo maareynayo siyaasadda Arrimaha Dibedda iyadoo aan wax wadatashi laga sameyn halka ay ku jirto Danta Dalka iyo Dadka, taas oo si toos ah u taabanaysa Amniga iyo nolosha shacabka aan wakiilka ka nahay, si toosana saameyn ugu yeelanyso dhaqaalaha iyo amniga dalka oo dhan.
3.8 Federalka oo ah hannaanka dadka soomaaliyeed doorteen in ay ku dhaqmaan, wuxuu kamid yahay mabaadiida aasaasiga ee dastuurka dalku qeexaya, waana waxa kali ah ee dib loogu yagleeli karo dowlad
Soomaaliyeed oo dib u hanata kalsoonida dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed Goluhu wuxuu ka digayaa wax kasta oo khalkhal lagu galinayo hannaanka federalka in ay ugu danbaynta horseedi karto deganaasho la’aan siyaasaddeed iyo mid amni.
3.9 Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la xoojiyo Awoodaha dastuuriga ah ee Aqalka Sare si Dowlad Goboleedyadu u helaan matelaad dhab ah oo ku salaysan hanaanka federaaliga ah.
3.10 Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa in Doorasho hal qof iyo hal cod ah laga qabto Dalka. Doorashadaas oo suurto geli karta markii la helo wada shaqeyn buuxda oo madax banaan, loona dhan yahay. Goluhu wuxuu si adag u xoojinayaa in la dhowro Madaxbanaanida Guddiyada Doorashooyinka.

3.11 Ayadoo la tix gelinayo mataalaadda shacabka Soomaliyeed, Goluhu wuxuu
isku raacay in Doorashada 2020 ay ku saleysnaato Deegaan Doorasho Dowlad Gobaleed (State Constituency). Taas oo ah habka ugu dhow ee lagu heli karo Matalaad (representation) iyo Nidaamka xisbiyada badan ee is waafaqsan. Goluhu wuxuu Beesha Caalamka uga digayaa in aysan wax
dhaqaale ah ku bixin qorshe khilaafaya Doorasho Degaanka heer Dowlad Goboleed (State Constituency).
3.12 Waxaa socda qorsheyaal lagu qorayo sharciyada doorashooyinka iyo axsaabta, mana jiro ilaa hada wax wadatashi ah oo lagala yeeshay Dowlad Goboleedyada. Sidaas darteed Goluhu wuxuu cadeynayaa in sharci kasta oo saameyn ku yeelan kara dadka iyo deegaamada dowlad goboleedayda noocu doonaba ha ahaadee, oo aan wadatashi hore lagala yeelanin, in dowlad goboleedydu aysan ka qayb qaadan doonin fulintiisa.
3.13 Sida uu qabo qodobka 133, (2a) iyo Qodobka 134 (2) ee dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, mid kasta oo Dowlad goboleedyada kamid ah waxay min hal ergay u magacaabeen Gudiga Baarlamaanka ee kormeerida dib u
eegista dastuurka iyo Guddiga Madax Banaan ee dib u eegista dastuurka taas oo ugu yaraan hal sano in ku dhow ka hor la gudbiyey si ay qayb uga noqdan dib u eegista dastuurka. Waxaase dhacdey in aan ilaa hadda inan la hawl galinin xubnahaas matalayey dowlad goboleedyada. Sidaas darteed Goluhu wuxuu ku baaqayaa in si degdega loo hawlgaliyo xubnahaas,
islamarkaana Goluhu waxuu ka digayaa iskuday kasta oo dib loogu eegayo dastuurka oo aysan xubnaha Dowlad Goboleedyadu si dhamystiran uga mid
ahayn, wixii ka soo baxana Dowlad Goboleedyadu ma aqbali doonaan.
Waxaa kale oo Goluhu ku baaqayaa in tirada xubnaha Guddiyaas aysan ka badan tirada ku cad Dastuurka.
3.14 Goluhu wuxuu soo dhaweeyey go’aankii Wasaaradaha caddaaladaha ee labada heer ay isku raaceen nooca cadaalada dalka (Justice Model) ee saxiixeedu ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar 24 Janaayo 2018, ayadoo ay goob joog ka ahayd Beesha
Caalamku, taas oo ugu danbaynta la sugayo in la horkeeno Golaha Amniga Qaranka si go’aan kama danbays oo siyaasadeed looga gaaro.
3.15 Goluhu wuxuu si buuxda u taageerayaa heshiiski Djibouti Dec. 2017 ay ku kala saxiixdeen Dowlad Goboleedka Galmudug iyo AhluSuna Waljamaaca.
Goluhu wuxuu ku baaqayaa in laga joojiyo faragainta lagu hayo, loona madaxbaneeyo Dowlad Gobaleedka Galmudug dhaqan galinta heshiisyadaas.

3.16 Goluhu wuxuu dhiirigalinayaa, bogaadinayaana shaqada Guddiga
Wadaxaajoodyada (FNTC) ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, waxaana
la adkaynayaa in ay labanlaabaan dadaalkooda si loo soo afjaro qodobada
aan weli la dhameystirin, isl markaasna la da-dejiyo dhameystirka qodobada
lagu kala aragti duwan yahay.
3.17 Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka ee taageerta Dhameystirka
Hanaanka Siyaasadda loo dhan yahay ee Soomaaliya in taageero dhaqaale
iyo mid farsamo u fidiyaan Guddiga Wada-xaajoodka si ay u gutaan
howlaha Dastuuriga ah ee loo igmaday.
4 GUNAANAD:
4.1 Dadka Soomaliyeed waxay sugayeen in laga miradhaliyo howlaha baaxadda
weyn ee weli qabyada ah, oo ay ugu horeeyaan: Dhismaha Ciidan Qaran oo
leh karti ay ku hantaan Amniga Dalka, Dhamaystirka qabyo-qoraalka
Dastuurka, meel-marinta sharciga doorashooyinka, qabashada doorasho
heer dawlad Goboleed iyo heer federal, Dhismaha Golaha Adeegga
Garsoorka, qeybsiga Awoodaha, Dakhliga iyo khayraadka.
4.2 Goluhu wuxuu ka quustay in Dowladda Federaalka Soomaliyeed ay
meelmariso heshiisyadii iyo ballamadii horay loo galay. Taa bedelkeeda
Dowladda Federaalku waxay wadashaqayntii ka doorbiday faragelin
gurracan oo ay Dowlad Goboleedyada ku hayso, taasoo dhaawacday
kalsoonidii wadashaqayn ee labada dhinac dhexmari lahayd. Maadaama ay
dawlada Federaalka ah ayadu masuul ka tahay xiriir xumida labada dhinac:
Goluhu wuxuu isku raacay in sida keli ah ay wadashaqayn labada dhinac ku
dhexmari karto ay tahay:
1. In Dowladda Federaalku joojiso faragelinta gurracan ee ay Dowlad
Goboleedyada ku hayso
2. In ay garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragelinta joogtadda
ah
3. In la helo hannaan iyo heshiis wadashaqayn oo leh Damaanad lagu
kalsoonaan karo
Haddaba inta laga helayo fulinta qodobadaas muhiimka u ah wadashaqeynta
labada dhinac, Goluhu wuxuu hakiyey wadashaqeyntii u dhexeeya Dowladda
Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

5 BAAQ:
5.1 Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Asxaabta Siyaasadeed, Ururada
Bulshada Rayidka ah, Salaadiinta iyo Culimaa’udiinka iyo Beesha caalamka in
ay ka qeyb qaataan xallinta khilaafyada jira.
5.2 Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la qabto shir loo dhan yahay ah oo looga
tashanayo qorshe lagula dagalaamayo kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab
iyo Daacish, shirkaas oo lagu qabto dalka gudihiisa.
6. MAHAD CELIN:
6.1Goluhu wuxuu Madaxweynaha iyo shacabka reer Jubbaland uga mahad
celinayaan soo dhaweynta, marti galinta iyo sugida amaanka oo ciidanka
Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay si wada jir ah isaga kaashadeen
6.2 Sidoo kale Goluhu wuxuu u mahad celinyaa Ciidamada Qakabka sida ee
Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhiigooda ugu deeqay dadka
soomaaliyeed.
6.3 Sidoo kale Goluhu wuxuu boogaadin iyo mahad celin u dirayaa deeq
bixiyeyaasha oo aysan suurto gal noqoteen la’aantood in horumar lagu
talaabsado.
7 SHIR:
7.1 Goluhu wuxuu ku balamay shir aan caadi ahyn ee lagu qaban doono
Magaala Madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe, 10ka October 2018.