Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu qabtay

Wararka Maanta

Weerar qorshaysan oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay  ka fuliyeen Gobalka shabeellaha hoose ayaa la sheegay in lagu soo qabtay  sarkaal sare oo ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in howlgalka uu dhacay  habeenimadii 26-kii Bishan  March , isla markaana uu ka dhacay deegaanka jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu sugnaa sarkaalka.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka hawlgalka lagu qabtay Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda ma shaacin Magaca,Sawirka iyo xilka uu ka haayay Al-Shabaab, sidoo kale dhankooda weli wax war ah kama soo saarin Al-Shabaab sarkaalka la sheegay in uu ka tirsanaa oo ay Ciidamada dowladda qabteen.

Aragtidaada ka dhiibo