Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Hargaysa

Wararka Maanta

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Hargeysa ay gashay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay baaqii Guddoomiyihii Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro uu taageerayaashii ugu baaqay dibad baxyo ayaa waxaa Ciidamada Booliska Somaliland ay qaadeen tallaabooyin ay uga hortagayaan bannaan baxyada.

Ciidamada Booliska ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga Waddani, waxaana arrintan cambaareeyay Guddoomiyaha Xisbiga C/raxmaan Cirro.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in aanay banaan baxyo dhici karin, isla markaana uu ku dhawaaqay in la joojiyay bannaan baxyadaas.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka la wareegay Xarunta Xisbiga, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala xaruntaas oo dhagxaan lagu gooyay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid sifo sharci darro ah, isla markaana uu yahay fal dambiyeed, aadna uu u cambaareynayo.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu ugu baaqay taagerayaashiisa Gobolka Maroodi Jeex inay isugu yimaadaan xarunta Xisbiga uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.