Cadaado: Cabdi Wali Qanyare oo ku guuleystay kursiga 19aad aqalka hoose

Wararka Galmudug Wararka Maanta

20161122_105649-1

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka ergada codeysay Kursiga 19aad Beesha Murusade/Foolculus/Hilibi
Waxaa ku guuleystay Cabdiwali Maxamed Qanyare oo helay 48 cod, halka Musharaxii la tartamayey Bashiir Cali Cadow uu helay 1cod, hal codna wuu xumaaday,Ergada codbixinta ka qeybgalay waa 50 ergo.

Waxaana hadda la guda galay codeynta kursiga 20-aad Beesha Sacad/Odow, waxaana ku tartamaya Maxamed Aadan Qalabxoor, Cabdikariin Khaliif Cabdidhalac, Xasan Maxamuud Cali, kursigaan ayaa ka xiiso iyo xamaasad badan kuraasta kale, taageerayaal badan ayaa goobta ku sugan.

Nala soco.

Comments are closed.