Galkacyo Bulsho Nabadda Jecel iyo Madax Mas’uuliyadooda iloobay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

fb_img_1482075122034

Magaalada Gaalkacyo waa Xarunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya waxaa ay u qeybsantahay oo ka wada Taliya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo siyaasad ahaan uusan ka dhaxeyn isfahan wanaagsan.

Bulshada ku kala nool Labada dhinac ee magaalada oo ay Maamuladaani ka taliyaan ayaa ah kuwo aad u jecel in magaaladu Nabad ahaato hayeeshee ma ahan go’aanku mid ku jira gacantooda oo waxaa ku isku haya ciidamo ka amar qaata madax aan ogeyn mas’uuliyada ay bulshadooda u hayaan heerka ay gaarsiisantahay.

Gaalkacyo waxaa marar badan ka dhacay Dagaalo toosa oo dhaxmaray Ciidamada Galmudug iyo Puntland isla markaana dhaliyay dhimasho iyo dhaawac dad shacaba u badan Barakac iyo Burbur hantiyadeed intaas yaa mas’uul ka ah???

Waxaa Gaalkacyo ka dhacay isku dayo Nadabeed oo badan walina ma noqon kuwo Mira dhalay Yaa hortaagan???

Hadii hogaamiyaasha Labada maamul daacad ka ahaan lahaayeen inay Gaalkacyo Nabad Noqoto Bulshadu wel welkaan joogtada ah ee deganaansha la’aanta ma dareemi lahaayeen????

Markaad Eegto Muuqaalka Guud ee Magaalada waa mid ay ka muuqdaan dhismayaal qurux badan oo la jaan qadaya magaalooyinka horumaray laakiin bulshada ayaa si joogta ah u dareema niyad jab maadaama ay dagaalada tooska ah ka sakoow maqlaan rasaas goos goos ah oo Ciidamada labada dhican isku tuurayaan.

Gaalkacyo xiligaan markaad rabto inaad ogaato baaxada magaalada iyo xaaladeeda ama aad dan ka yeelato dhican adoo jooga dhinaca kale waxaa kugu adag inaad kolsooni iskaga gudubto waxaad ku arkeysaa dhinac katsaba ciidamo ku gadaaman meel u dhow marin leygu sheegay in uu kala qeybiyo maamulada ee ka wada taliya magaalada waxaa maankaaga kusoo dhacaya ma xaduud wadan kale ayaad soo gashay.

Laakiinsa Bulshada Degan magaalada ayaa ah kuwo aad u niyad fiican oo aan xili kasta is dareensiin dhibta ka jirta iyo kala qeyb sanaanta qaarkood wadooyin qardo jeexa ayeey maraan iyadoo dano gaara iyo qaraabo salaan ugu socda dhanka ay xiligaas joogaan mahane dhicana kale.

GAALKACYO ALLOW NABAD ALLOW ALLOW NABAD ALLOW

Daahir Faarax

Galkacyo-Soomaaliya