Home > Wararka Maanta > Amisom oo weerar jid gal ah kala kulantay Al-shabaab

Amisom oo weerar jid gal ah kala kulantay Al-shabaab

Wararka Maanta

 

Weerarkan oo isugu jirey mid miino ah iyo weerar toos ah ayaa la sheegay in lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada AMISOM iyadoo uu ka dhashay dagaalkan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka uu weerarkan ka dhacay ayaa ahaa meel aysan hore uga dhici jirin dagaalada waxaana uu weerarkan imanaya xilli shalay lagu diley qarax miino mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro howlgalo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay ka wadaan deeganada ku dhowdhow halka uu weerarkan ka dhacay,waxaana xiran wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.

Gaadiidka dadka rayidka ah iyo weliba dadka lugeynaya ayaa loo diiday inay maraan wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!