WHO oo Hal Maalin diiwaan galisay 307,930 kiis oo covid19 ah

Wararka Maanta

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shaaciyay inay kordheen kiisaska coronavirus-ka adduunka maalintii Axadda, iyadoo wadarta guud ay korortay 307,930’ 24 saacadood gudahood.

Kororka ugu badan ayaa laga diiwaan galiyay Hindiya, Mareykanka iyo Brazil, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay.

Dhimashada ayaa sidoo kale sare u kacday 5,537.

Hindiya ayaa soo warisay 94,372 kiis oo cusub, waxaa ku xigay Mareykanka oo diiwaan galiyay 45,523 cusub oo caabuqa Covid19 ah halka Brazil uu gaaray 43,718.

Mareykanka iyo Hindiya ayaa midkiiba diiwaan galiyay in ka badan 1,000 qof oo cusub oo dhimasho ah halka Brazil ay soo tabisay 874 qof oo u dhintay cudurka 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Qeybo ka mid ah Hindiya, oksijiinta caafimaadka ayaa adkaata in la helo maaddaama wadarta kiisaska ay ka badan yihiin 4.75 milyan.

UK, waxaa laga dhaqan galiyay sharci dhigaya in lix qof ka badan aanay meel wada fariisan karin sababaha la xiriira faafitaanka cudurka Covid19 oo kusoo labo kacleeyay dalkaas.

isha: Hiiraan Online