Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Xalay ka dhacay Balcad

Wararka Maanta

Wararkii ugu dambeeyay oo Ceelhuur Online ay ka helayso Degmada Balcad ee Gobolka Sh Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan Xalay weerar ku qaadeen koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ay leeyihiin

Dad ku sugan Balcad ayaa u sheegay Xaqiijiyay in xilligii la dukaday ay maqleen jug culus iyo rasaas mudo daqiiqado ah socotay,isla markaana weerar lagu soo qaaday koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin marka laga yimaado dhanka Biyo Xireenka ama beeraha Mashruuca.

Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Afar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontoroolka la soo weeraray ay dagaalkii dhacay ku geeriyoodeen,sidoo kalena uu jiro dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamada.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug)  ayaan jawaab ah ka bixin Dagaalkaas hayeeshee dadka ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegayaan inay cabsi soo wajahday,isla markaana Goobaha qaar ee Ganacsiga Magalada ay xirmeen Xalay oo dhan