Wafdigii Galmudug oo u ambabaxay Jabuuti (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf Iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay qayb ka yihiin ku xigeenkiisa xildhibaano Iyo Wasiiro ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan shirka dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Iyo ahlusuna oo maalinka Beri ah ka furmi doona dalka jabuuti

Waxaa iyana saacada soo socda la filaya in ay garoonka diyaarada muqdisho ayka duulaan wafdi ka socda Maamulka ahlusuna si ay uga qayb galaan shirka.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, waxa uuna socon doonaa 27 ilaa 29 bishan November, labada dhinac ayaa la filayaa in ay is afgarad ku gaaraan halkaasi.

Wararka shirkan kala soco halkaan.