C/rishiid janan oo diyaarad ciidan looga qaaday kismaayo

Wararka Maanta

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) ayaa goor dhow diyaarad looga qaaday Kismaayo, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in C/rashiid Janan arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Milateriga Kenya looga qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijiyay in C/rashiid Janan uu doon ku yimid Kismaayo, waxaana la sheegayaa in doonyo kale oo laga diray Kismaayo ay dhexda uga hortageen.

Lama oga illaa iyo hadda halka uu Doonta ka soo raacay iyo qaabkii uu ku soo baxsaday ahaa wax lala ogaa, hase ahaatee Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ayaa saddex maalin ka hor sheegtay in C/rashiid Janan uu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, ayna ku raad-joogaan Ciidamada Booliska.

C/rashiid Janan ayaa la sheegay inuu xanuunsanayay intii dowladda Soomaaliya gacanta ku heysan, waxaana wararka intaa ku darayaan in maalmo ka hor inta aanu baxsan arrimo caafimaad loo geeyay guri ku dhow xarunta NISA.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo shan bilood u xirnaa C/rashiid Janan oo laga xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho 31 bishii Agosto, waxaana Taliska Booliska uu sheegay in loo heysto dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, hase ahaatee waxaa horay u jiray bishii April ee sanadkii 2019 Maxkamadda Gobolka Banaadir ay baabi’isay dacwad ka taalay Mr Janan oo horay Xeer Ilaalinta Qaranka ugu soo oogtay sanadkii 2015, waxaana sababaha dacwadaas loo laalay aheyd mid siyaasadeysan oo dowladda Soomaaliya ka dooneysay inuu qorshe u fuliyo oo ahaa inuu is hor-taago dib u doorashadii Axmed Madoobe, balse ma aanay dhicin, waxaana taasi keentay in dhamaadkii bishii Agosto, xilli uu ku sii jeeda Addis Ababa, Transit ku ahaa garoonka Muqdisho la xiro.