Wafdi kasocda Baarlamaanka dalka Uganda oo booqasho ku jooga caasimada dalka ee Muqdisho

Wararka Maanta

Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo u bilaabatay booqasho shaqo qaadan doonta muddo todobaad ah, si ay u qiimeeyaan Ciidamada dalkooda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sida lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay AMISOM Wafdigan ayaa waxay booqan doonaa xarumaha howlgala Ciidamada Uganda, iyagoo la kulmi doona askarta iyo Taliyeyaasha, sidoo kale waxay la kulmi doonaan hoggaamiyeyaasha maxaliga ee deegaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Difaaca dalka Uganda Col. Charles Engole Okello iyo Guddoomiyaha Gudiga Difaaca ee Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Uganda Doreen Amule iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiyada Baarlamaanka.

Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007-dii, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xildhibaanada ka socda baarlamaanka dalka Uganda ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Sabtidii shalay ayay la kulmeen Saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM, sida Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo iyo Taliyaha Guud ee AMISOM. Tigabu Yilma Wondimhunegn.

Wafdigan ayaa marka ay booqashadooda dhameystaan waxay dib ugu laaban doonaan dalkooda, iyagoo warbixinadii ay la kulmeen la wadaagi doona Baarlamaanka Uganda.