Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Galmudug oo laga furay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwayne ku Xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha hey’adda socdaalka G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa shalay xariga ka jaray Xafiiska Socdaalka ee Galmudug.

Xafiiskaasi oo laga Maamuli doono hawlaha Socdaalka iyo Baasaboor bixinta ee Deegaanada Galmudug oo laga hirgaliyay Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug, Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Madaxwayne ku xigeenka Galmudug , Taliyaha hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Salad, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Taliyaha hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlad Federaalka Soomaaliya G/sare Maxamed Aaden Jimcaale Koofi ayaa sheegay in Xafiiskan lagala socon doona Dadka isticmaalaya Garoomada diyaradaha Galmudug iyo kuwa Baasaboorad goosanaya.

Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur ayaa shegay in furitanka Xafiiskan uu qeyb weyn ka qaadan karo hawlaha amni ee Galmudug iyo waliba u fududeynta shacabka helidda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Madaxwayne ku xigeenka Maamul-goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dhinacooda ay sameyn doonan hanaan isku xiraya hawlaha shaqo ee Airport-da ku yaal Galmudug.

cad1 cad2 cad3 cad4 cad5 cad6

Comments are closed.