Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo saaray awaamiir cusub oo amniga ah

Wararka Maanta

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho, iyadoo si wadajir ah ciidamada kala duwan ee dowladda u bilaabi doonaan howl gallo la xiriira amniga magaalada Muqdisho.

Col, Bishaar Abshir Geeddi oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin ciidamo aan qeyb ka aheyn kuwa amniga oo hub ku dhex wata magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Nabadsugida, Booliska iyo Milateriga ay iska kaashan doonaan sugida amniga magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ciidan aan aheyn ciidamada howsha ku jira aan lagu arki karin magaalada, cidii jebisa amarkaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Cid kasta ee aan ka tirsaneyn ciidamada amniga ee shaqo la og yahay aan ka heyn amniga Gobolka Banaadir in aanay magaalada hub iyo dareys ku dhex wadan karin, Taliska ciidanka Milateriga arrintaas wareegto ayay ka soo saareen, runtiina magaalada waa laga dareemay maalmahan”ayuu yiri Col. Bishaar

Waxaa lagu wadaa inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhici doona magaalada Muqdisho in la adkeeyo ammaanka, isla markaana la xiro waddooyin qaar.

6 thoughts on “Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo saaray awaamiir cusub oo amniga ah

Comments are closed.