Waare oo shaaciyay xiliga ay bilaabanayso xulista xildhibaanada Hirshabeele

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xilliga ay dhacayso soo xulista xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Waare oo ka hadlayay kadib kulan uu la yeeshay safiirka dalka Sweden Staffan Tillander ayaa sheegay in soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay bilaaban doonto bisha September ee sanadkan iyadoo doorashooyinkana ay dhici doonto bisha Oktoobar ee sanadkan 2020.

Warkan ka soo yeeray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Waare uu ku wareejiyo wasaarada arrimaha gudaha dowlada federalka inta ka dhiman xilligiisa si loo gudo galo qabanqaabada doorashada maamulka Hirshabelle.