Home > Wararka Maanta > Booliska jowhar oo gacanta kusoo dhigay aabe wiilkiisa gowracay

Booliska jowhar oo gacanta kusoo dhigay aabe wiilkiisa gowracay

Wararka Maanta

 

Taliyaha ayaa sheegay in Cismaan Ibraahim oo wiilkiisa Ibraahim Cismaan Ibraahim xalay fiidkii ku gowracay Laanta Faanoole ee Xaafada Horseed ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in aabbaha markii uu falka dilka geystay uu goobta ka baxsaday, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo qabto.

Aabaha dilay wiilka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xooggooda uga xamaasha  magaalada Jowhar,

Falkan naxdinta ahaa ayaa dadka deegaanka si weyn uga argagaxeen, waxaana la sheegay aabbaha uu gowracay curadkiisa oo 14 snao jiro ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta uu u dilay.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!