Waanwaantii MD Farmaajo oo fashilantay

Wararka Maanta

Waxaa soo baxaya warar sheegayaa inuu fashilmay wada hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhex waday Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laba dhinac u kala qaybsan.

Sida muuqata in fashil uu jiro, waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay Muqdisho ay ku shireen Xildhibaanada difaacaya Gudoomiye Jawaari, kuwaasi oo ka digay in maalinta Berri ah Baarlamaanka la horkeeno Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay Arbacada in Mooshinkooda ay horgaynayaan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay “Madaxweynaha lama hadlin raggii Mooshinka waday, sharcina uma lahan inuu burburiyo Mooshinka, wuxuu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, waxaan Arbacada horgeyn doonaa Mooshinka xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanada Difaacaya Gudoomiye Jawaari ayaa ka digaya in Baarlamaanka la horkeeno Mooshinkaasi maalinta Berri ah.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil, ayaa ka digay in kulanka berri la keeno Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari, wuxuuna sheegay inay jiraan Xildhibaano arrintaasi wada.

Dhinaca kale waxaa wali taagan Khilaafka ka dhex jira Gudoonka Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii shalay Warqad ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye C/wali Muudey shaqada looga joojiyay Xoghayaha Baarlamaanka, warqad kale oo ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Jawaarina lagu amray in aanan shaqada laga joojin Karin Xoghayaha Golaha Shacabka.