Waalidaa Wax ka jiraan:Trump oo iloobay Heesta Calanka Maraylanka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa lagu soo dhoweeyay sacab iyo iyadoo dadka qaarna ay ku qeyliyeen intii uu garoonka ku sugnaa ee la qaadayay heesta calanka.

Laakiin markii heesta la bilaabay, dadka isticmaala baraha bulshada waxay ku leexdeen dhaqankiisa ku wajahnaa astaanta.

Taageerayaasha Trump waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan madaxweynaha oo gacantiisa saarantahay wadnihiisa, balse kuwa mucaaradka ku ah waxay sheegayaan in ereyada uu hilmaamay.

Haddaba miyuu illaaway ereyada?
Waxaa cad in uusan dhammaan wada qaadin.

Muuqaalka wuxuu tusayaa Mr Trump oo aamusaya bilowga. Wuxuu u muuqday qof qaadaya ereyada qaar halka mararka qaarna uu aamusayo.

Sadarada qaar waxaa loo dhahaa si kor ah. Madaxweynaha wuxuu si muuqata u kala qaaday afka marka la gaaray “xidigaha dhalaalaya” wuxuuna farxad iyo dhoollacadeyn ku dhameeyay “dhulka xorta ah iyo hoyga geesiyaasha”.

Sadarada kale ma uusan qaadin. Haddii uu illaaway ereyada iyo haddii kale waa dood furan. Horey waa loo arkay isagoo qaadaya heesta wuxuuna taageero ku helay sida uu u xushmeeyay.

Maxaa laga filayay in madaxweynaha Mareykanka uu sameeyo?
Astaanta calanka waxaa ku hareereysay xushmad marka heeshta la qaadayo. Qasab ma ahan, mana la ciqaabayo kuwa ku xadgudba.

Muuqaalka, waxaa laga arkayaa madaxweynaha oo si caadi ah isaga taagan, iyadoo heesta ay socoto. Sharciga wuxuu dhigayaa:

Marka heesta ay socoto oo calanka la muujiyo, waa in dadka oo dhan, marka laga reebo kuwa dharka askarta xiran, ay istaagaan oo ay eegaan calanka iyagoo gacanta midigta saaranaya wadnaha.

Madaxweynihii hore Barack Obama wuxuu si joogto ah u diidi jiray in gacanta uu saaro wadnaha, xilligii uu ku jiray ololihii doorashada ee 2008-dii. Wuxuu ku dooday in awowgii uu baray in sidaa la sameeyo xilliga balanqaadka iyo in la heeso xilliga astaanta.

Xigasho-BBC