Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

Wararka Maanta

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday goor dhow kolonyo gaadiid ciidan ah oo ay saaran yihiin ciidamo oo marayay isgoyska Sayidka, weerarkan ayaa la sheegay in uu ahaa mid baabuur lagu soo raray waxyaalaha qarxa uu isku qarxiyay kolonyadan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya qaraxa ka dhacay Isgoyska Sayidka ayaa sheegaya in ay ku dhinteen labo askari oo ka mid ah ciidamada dowlada halka qaar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Qaar ka mid ah dadka degen agagaarka Isgoyska Sayid ee wadada Maka Al-mukarama ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaari ay la haayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo yaalay afaafta hore ee Hotel Sayidka.

Ciidamada ku sugnaa isgoyska Sayidka ayaa isku dayay in ay joojiyaan gaariga waxyaalaha qarxa lagu soo xirey hase yeeshee wadihii gaariga ayaa si xowli ah ku socday waxa uu ku dhacay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee halkaa ku yiil. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada amniga oo ku saabsan weerarkan ismiidaaminta ah

wixii kasoo kordha kala soco ceelhuur.net

Comments are closed.