Ugaas-yada Beelaha ku dagaalamaya G/Hiiraan oo isku qilaafay dagaalka Hiiraan

Wararka Maanta

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta wariyaasha kula hadlay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay Dagaalka ka socda Deegaanka Beenyaalay oo hoos tago Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan isagoo ku baaqay in Sharuud la’aan lagu joojiyo.

Ugaas ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen Dagaalkaasi walina uu ka socda Deegaankaasi oo ku yaala xadka Galgaduud iyo Hiiraan waxa uuna eedeen usoo jeediyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

Ugaas Xasan ayaa ku eedeeyay Ugaas Xasanka kale in uu diiday in ay rasaasta joojiyaan Beesha uu ka soo jeedo iyo in ay isku raacaan oo ay isla tagaan aagga lagu dagaalamayo ee Beenyaalay ee Gobalka Hiiraan.

Xaaladda ayaa maanta daggan waxaana wali taagan Cabsi badan oo ka taagan Goobihii lagu dagaalamay waxayna la bada dhinac ay wadaan hub aruursi iyo Abaabul dagaal.