Madaxweynaha oo boqolaal ruux salaada jimcaha kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal ruux salaadii jimcaha kula dukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Salaada jimcaha kaddib Madaxeynaha ayaa khudbad ka jeediyay masaajidka, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab inay doonayaan inay waji xumeeyaan Diinta Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay caadeysteen inay daadiyaan dhiigga shacabka, isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto.

“Waxay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamka, iyagoo magac diin sheeganaya ayay hadana rabaan inay daadiyaan dhiigga Islaamka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu jiro 10-ka dambe ee bisha Ramadaan, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee uu Alle wax siiyay inay caawiyaan dadka masaakiinta ah.

Ka soo muuqashada Madaxweyne Farmaajo ee goobaha fagarayaasha ayaa dhif iyo naadir aheyd, tan iyo markii xilka loo doortay, dhowaan ayay aheyd markii uu Garoonka kubadda cagta ee Stadium Banaadir uu meel fagaare ah kula hadlay shacabka, xilligaasoo la dhigayay banaan bax lagu taageerayay waxqabadka boqolka maalmood ee uu xafiiska joogay.

Ammaanka Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ayaa si aad ah loo adkeeyay, intii uu Madaxweynaha salaada jimcaha ku dukanayay, waxaa la baarayay dadka galayay masaajidka ee salaada ku dukanayay, iyadoo wadadana la xiray.