Thomas Vermaelen Oo Sheegay In Barcelona Ay Ceshatay Xagaagan

Ciyaaraha

Daafaca Thomas Vermaelen ayaa sheegay inuusan laheyn wax doorasho ah inuu sii joogo Barcelona xagaagan.

Vermaelen ayaa ku dhibtooday inuu xilli ciyaareedka ku qaato Camp Nou tan iyo markii uu ka tagay Arsenal sannadkii 2014, laakiin xiddiga reer Belgium ayaa lala xiriirinayay Everton ama West Bromwich Albion intii lagu jiray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Si kastaba ha ahaatee, Vermaelen oo qandaraas kula jira Barca ilaa 2019 – ayaa shaaca ka qaaday in ay aheyd “wax aan macquul aheyn si uu uga baxo kooxda reer Catalan.

31-jirkan ayaa u sheegay DH: “Guddiga ayaa ii sheegay in ay u baahan yihiin afar daafac dhexe, ma aanan heysan wax doorasho ah, laakiin wa in aan joogaa, kooxaha ayaa isku dayay ilaa iyo maalintii ugu dambeysay, sida Everton, laakiin waa wax aan macquul aheyn.  xitaa gorgortanka.

“Kama hadli karo xaaladeyda shakhsi ahaaneed, markii ugu dambeysay ee aan sameeyay, way igu soo laabatay.”

Vermaelen ayaa Barcelona u saftay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkaan, kaasoo ka soo muuqday kulankii Murcia ee Copa del Rey.