Maxamed Salax oo ku guulaystay abaalmarinta PFA ee 2018ka (Sawirro)

Ciyaaraha Wararka Maanta

Maxamed Salax ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan xilli ciyaareedka 2017-18ka ee uu bixiyo ururka ay ku midaysan yihiin xirfadleyaasha kubbadda cagta Ingiriiska ee magaciisa loo soo gaabiyo PFA.

Ciyaaryahankan afka hore uga dheela Liverpool oo 25 jir ah ayaa abaalmarintan ka qaaday Kevin de Bruyne, Harry Kane, Leroy Sane, David Silva iyo David de Ge.

Abaalmarintaas waxaa codkooda ka dhiibtay ciyaartoyda.

Sane oo Manchester City u dheela ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar, halka Fran Kirby oo Chelsea u dheeshana ay kaga guulaysatay abaalmarinta dhanka dumarka.

Lauren Hemp oo Bristol City u dheesha ayaa loo magacaabay gabadha ugu wanaagsan sannadka ee dhanka da’yarta.

Maxamed Salax oo abaalmarintan ka hadlayna wuxuu sheegay in ay sharaf u tahay maadaama oo dadka codka dhiibtay ay yihiin ciyaartoy.

“Markii aan Chelsea joogay fursado badan ma helin. Wayna caddayd in aan soo noqon doono si aan qof walba u tuso kubbaddayda. Waxay ila tahay waxaan soo noqday anoo ka gadisan sidii aan ahaa markii aan tagayay, waxaana soo laabtay anoo anoo nin nimo iyo xirfadba ii soo korodhay”.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay “in uu ku faraxsan yahay in uu fursad u helo” in uu tababare u noqdo Salax, wuxuuna intaas ku daray “in ay sharaf wayn tahay” in abaalmarintaas lagu guulaysto.