Taliye xigeenka Booliska Puntland oo Boosaaso lagu dhaawacay

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa saaka ku toogtay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid, Taliyaha ayaa dhaawaciisa loola cararay isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso.

fb_img_1481788021192
Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bistoolado, iyagoo ka baxsaday goobta falku ka dhacay.

Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca dil loo geysto madaxda iyo ciidanka maamulka Puntland.
Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo ka dagaalama dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.