Taliska Booliska Baladweyne oo amray Howlgal ka dhan ah dadka dilalka geysta

Wararka Maanta

Taliska boolika Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaladaas,waxana ay sheegeen inay bilaabayaan howlgal ka dhan ah dadka lidiga ku ah amniga.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow ayaa amray in ciidamada Booliska Baladweyne ay ka hortagaan dadka marwalba dilalka ka geysta Magalada Baladweyne,isla markaana tallaabo Sharci ah ka qaadaan.

Shacabka Magaalda Baladweyne ayuu ka dalbaday inay ciidamada amaanka kala Shaqeeyaan sugida amniga si uu sheegay looga guuleysto kuwa dilalka ka geysta Gudaha Magaalda Baaldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hadalka taliyaha Booliska Baladweyne ayaa kusoo aadaya xilli todobaadkaan gudihiisa Magalada Baladweyne si bareer ah loogu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Wiil Arday ahaa,isla markaana ay baxsadeen dadkii ka dambeeyey.