Waxaa saakay oo Talaado ah xiran qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii dadka ay ku soo tooseen ciidamada ammaanka oo xiray wadooyinka, gaadiidkana u diidaya socodka.
Wadooyinka xiran saaka ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.
Ciidamada NISA ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.
Lama oga sababta loo xiray wadooyinkan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada Muqdisho, balse Saraakiil ka tirsan NISA, ayaa sheegay in ciidamada amarkaasi la siiyay xirista wadooyinka.
Wadada Maka Al-Mukarama qaybo ka mid ah ayaa si caadi ah u shaqeynaysa, laakiin iyada qudheeda waxa ay ka xiratay agagaarka daarta Saybiyaano oo Koontarool ciidan uu yaallo.