Putin oo ku guuleystay doorashada Ruushka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Vladmir Putin ayaa mar afaraad ku guuleystay  Madaxweynaha dalka Ruushka doorashooyinka madaxtinnimo  ee dalkaasi.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheeegay in madaxweyne Putin uu helay 76% codadka la dhiibtay ka dib markii la tiriyey.

Mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu ka qeyb-galo doorashooyinka  dalka, ka dib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday hanti dadweyne.

Dadka la tartamayey Putin ayaa waxaa ay heleen mid walba oo ka mid ah
Pavel Grodinin 12,1% oo cod, Ksenia Sukhinova codad dhan 1,5% iyo Vladimir Zhirinovsky oo isna helay 5,8%.