Syria: Ruushka oo duqeyn ku dilay 30 ka tirsan Sirdoonka reer Galbeedka ah

Uncategorized Wararka Dibadda Wararka Maanta

Sida ay qortay wakaalada wararka FARS ee dalka Iiraan, markab ku sugan xeebta dalka Suuriya oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka ayaa Saddex gantaal ku dhuftay xarun sirdoonka Israel iyo reer galbeedku ku lahaayeen Dar Ezza ee dalkaasi Suuriya.

Duqeyntaan ayaa dhacday maalinamadii Arbacada, waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in ugu yaraan 30 sarkaal oo u dhashay Israel iyo dalal reer galbeed.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan saraakiil u dhashay dalalka Maraykanka, Turkiga, Sucuudiga iyo Qatar.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo lagu dilo saraakiil heer kaas ah, waxaana Syria ku dagaalamaya xulufo ay kala wataan Maraykanka iyo Dalka Ruushka.

Ruushka ayaa taageersan dowlada Syria, waxaana ay isku dayayaan sidii aan xukunka looga tuuri laheyn Bashar Al-Asad.

Comments are closed.