Somaliland oo xukun ku riday Abwaan Naciima Qorane

Wararka Maanta

Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa  ayaa Saddex sano oo xarig ah ku xukuntay Naciima Qorane oo ah Gabadh baraha bulshada wax ku qorta oo ay ciidamada Booliska Somaliland ay horay u xireen.

Naciima ayaa lagu  soo oogay laba dacwadood oo kala ah in ay dacaayado kadhan ah Hay’addaha Somaliland faafisay iyo sidoo kale inay kacdoon lidi ku ah qaran nimada ay dal shisheeye ka samaysay, sida uu sheegay garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil.

Abwaan Naciima Axmed Qorane ayaa muddo ku sugneyd Magaalada Muqdisho, waxaana markii ay dib ugu laabatay magaalada Hargeysa lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Waxa ay u ololeyn jirtay in ay Somaliland aysan ka go’in Soomaaliya inteeda kale, islamarkaana ay midoobaan Shanta Soomaaliya.