Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar ku tago magaalooyinka Galkacyo iyo Cadaado.
Madaxweyne Farmaajo ayaa 19 bishan tagaya Galkacyo si uu xal ugu helo colaadda ka dhex aloosan maamulada Galmudug iyo Puntland, oo wada maamula Magaalada Galkacyo.
Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galkacyo Madaxda labada dhinac kala hadlaya sidii xal loogu heli lahaa dagaalada ku soo noqnoqday magaaladaas.
Sidoo kale Farmaajo ayaa 20 bishan safar ku tagaya magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah Galmudug, waxuuna kala hadli doonaa hoggaanka Galmudug doorashada Madaxweynaha iyo wada hadal lala galo Ahlu sunna.
Madaxweyne Farmaajo ayaa safaradaan gali doona kadib Ansixinta Xukuumada cusub oo la filayo in Ra’iisulwasaare Kheyre ku dhawaaqo saacadaha Soo socda.
Xildhibaanada kasoo Jeeda Galmudug ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda soo gaaraan Cadaado.