Madaxweyne Xasan oo Safar aan horey loo shaacin maanta ku tagaya Kismaayo

Wararka Maanta

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Socdaalkaan oo aan horey loo sii shaacin ayaa lagu waramayaa in uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka dalka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyo ololaha uu mar kale ugu jiro Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  inuu ku soo laabto kursiga Madaxtinimada.

Safarka Madaxweynaha  Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa jawaab u ah safar uu jimcihii la soo dhaafay ku tagay Kismaayo Raisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ah Musharaxa ay xilligan sida aadka ah ugu loolamayaan doorashada, islamarkaan kismaayo ka sheegay In loo baahan yahay hogaan cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha la kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadli doono hirgelinta doorashooyinka, iyo sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.