Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi la socda ayaa goordhow ka ambabaxay Magaalada Cadaado Xarunta kumeelgaarka Galmudug oo uu shalay soo gaaray. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku wajahan Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa Galkacyo u tagaya sidii u soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in saacadaha soo socda uu soo gaaro halkaas.
Axmed Ducaale oo saaka shir la yeeshay waxgaradka Cadaado ayaa fashil ku soo dhamaaday, Waxaana dhacday in ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ay jidgooyo u dhigeen Albaabka Madaxtooyada inkastoo aysan dhib ka dhicin hadana arintaas ayaa u muuqatay gadood ciidanka dhexdiisa ah.
Dhanka kale Shirkii Hotel Central magaalada Cadaado uga socday waxgaradka Cadaado ayaa soo idlaaday, waxaana ka soo baxay in Banaanbax nabadeed ay dhigaan bulshada cadaado, banaanbaxaas oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Sidoo kale Waxaa Cadaado ka socda abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo bulshada Cadaado saluugay in Madaxweynuhu Cadaado joogi doono kaliya 2 saacadood, taas oo ay u arkaan in aysan mudneyn.
wixii kusoo kordha wararkaan kala soco ceelhuur.com