Shirkadda Toyota oo Xafiis ka furatay Muqdisho (Sawirro)

Dhaqaalaha Wararka Maanta

Shirkadda baabuurta Sameysa  ee Toyota ayaa 27 sano ka dib waxa ay Soomaaliya ka furtay xafiis ay leedahay, shirkaadaan oo ah tan loogu isticmaal badan yahay gaadiidkeeda gudaha dalka Soomaaliya. Toyota Soomaaliya ayaa waxa ay soo maraysaa Shirkadda SKA.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xariga ka jaray ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shishiiye ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in ay wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka halka maanta Soomaaliya wax loo soo iibgeeyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay sharciga maalgashiga dalka, kaas oo shirkada iyo ganacsatada Ajnabiga u fududeynaya in ay maalgashtaan dalkeena Soomaaliya.