Maxaa Caawa ka socda Magaala xeebeedka Hobyo?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug waxaa caawa ka socda diyaargarowga munaasabadda xarigga looga jarayo wajiga koowaad dhismaha wadada Hobyo- Gaalkacyo. Waxaana maalmihii u dambeeyey gudaha magaalada ka socday diyaaragarowga munaasabadan.

Sidoo kale waxaa la gaban gabeeyey dhismaha Aargada laga galo degmada Hobyo. Ciidmada Ammaanka ayaa si aad ah u adkeeyey ammaanka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey waxaa halkaas gaaray masuuliyiin ka qeyb galaysa munaasabadda beri ka dhacaysa halkaasi.

Dhanka Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay beri ka yimaadaan wafdi culus oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, siyaasiyiin iyo ganacsato.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo la sugayey inuu halkaas tago ayaa warka baaqashadiisu soo baxay saacadihii ugu dambeeyey lamana oga sababta rasmiga ee baaqashadiisa. Bulshada Galmudug gaar reer Hobyo ayaa aad u sugayey Ra’iisulwasaaraha, oo ay noqon laheyd markii ugu horeysay ee uu booqdo deegaanada Galmudug.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

isha wararka xaqiiqda ah.