Shirkadaha Isgaarsiin oo lagu amray inay isku furaan Khadkooda

Arimaha Bulshada TECHNOLOGY Wararka Maanta

Qoraal ka soo baxay hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira Soomaaliya kuwaas oo ruqsad ka haysta dowlada in ay isu furaan khadkooda taas oo ka dhigan in shirkad walba wici karto shirkada kale.

Qoraalka ka soo baxay hay’adda isgaarsiinta qaranka ayaa u qornaa sidan.

Isku-xirka Shabakadaha Shirkadaha Isgaarsiinta
MUQDISHO.

Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.

Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.

Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay)

Dhamaad

Aragtidaada ka dhiibo