Xildhibaanada Cusub oo la siinayo shahaadooyinka iyo kaararka Xildhibaanimo

Wararka Maanta

Gudiga doorashooyinka dadban ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in xildhibaanada la siinayo shahaadooyin iyo kaararka xildhibaanimo.

Doorshada xildhibaanada Soomaaliya ayaa maraysa heer gabangabo ah, waxaana ilaa hadda la doortay 246 aqalka hoose ah iyo 43 aqalka sare.

Warar ayaa sheegaya in ka badan 20 xildhibaan aysan heli doonin kaararka iyo shahaadooyinka xildhibaanimo, madaama uu muran ka jiro kursigooda.

Dhanka kale waxaa maanta la filayaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka madasha wadatashiga hoggaanka Qaran oo looga arinsanayo kuraasta aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag.
screenshot_2016-12-13-11-12-20-1