Shirka Wadatashiga Beelaha Sacad & Saleebaan oo Cadaado ka furmaya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa waxaa maanta ka furmaya shirka wadatashiga Beelaha Sacad iyo Saleebaan. Waxaaana ka socda Cadaado qabanqaabada soo dhaweynta wafdi ka imaanaya Magaalada Galkacyo. wafdigan ayaa isugu jira Salaadiin, Nabdoono, Cuqaal iyo waxgarad kale. waxa ayna Cadaado ku imaanayaan dalab kaga yimid beesha Saleebaan.

Beesha Saleebaan ayaa gogol wadatashi u dhigtay Beesha ay walaalaha yihiin ee Sacad, waxa ayna ka arinsanayaan xaaladaha kasoo cusboonaaday Galmudug. Gogoshaan ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aano wax looga qabanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Sidoo kale Gogoshaan ayaa waxaa xigi doona goglo kale oo ay beesha reer Xaaji Saleebaan u dhigaan beelaha daga Galmudug si looga arinsado jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Galmudug. Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com