Maxaa kasoo baxay shirkii Beelaha Sacad iyo Saleebaan?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa xalay magaalada Cadaado ku soo gabangaboobay shirkii wadatashiga beelaha Sacad iyo Saleebaan, Shirkan oo qaatay saacado badan qaatay ayaa kusoo dhamaaday is afgarad.

Beesha Saleebaan oo gogosha dhigtay ayaa sheegtay in Madaxweyne Xaaf uu fulin waayey balanqaadkii ahaa in magaalada Cadaado noqoto Fadhiga Barlamaanka, kadib wadahadal dheer ayaa labada dhinac isla garteen:

  1. in ay meel ka dhac tahay in Madaxweynuhu fulin waayey balanqaadkii reer Cadaado.

  2. In Waxgaradka beesha Sacad tagaan magaalada Dhuusamareeb, si Madaxda Galmudug ugala hadlaan tabashada beesha Saleebaan.

  3. In la ilaaliyo midnimada Galmudug.

Dhanka kale waxaa goordhow u ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug wafdigii beesha Sacad, iyagoo saacadaha soo socda shirar la yeelan doona Madaxda Galmudug. Wixii kusoo kordha www.ceelhuur.com