Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo dalbaday in Kenya ay degdeg u joojiso burburinta xarumaha Hormuud

Wararka Maanta

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya.

Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada.

“Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan.