Senator Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Qalad Wayn ku tilmaamay Dhiibistii (Qalbi Dhagax)

Wararka Maanta

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa beeniyay in Xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ay Itoobiya la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayeen maxaabiis iyo muwaadiniin.

Senator Cumar C/rashiid oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in heshiiska ay Golaha Wasiirada Xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax uu ahaa heshiis dhex maray dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maamulka Galmudug oo xuduuda labada dal colaad ku dhex martay.

Haddii labo dal heshiis galayaan waxaa galaya Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, wax aan Gole Wasiiro looga doodin, Madaxweynaha saxiixin iyo Baarlamaanka la horkeenin wax sharciyad uu ka fadhiyo lama arko”ayuu yiri Cumar C/rashiid oo intaa ku daray in aanay jirin cid uu u igmaday.

“Khalad weyn ayay aheyd dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo ah muwaadin Soomaali ah in loo gacan geliyo Itoobiya, ONLF meel kale adduunka ay Argagixiso ka yihiin ma jirto, Mareykanka ayay joogaan iyo meelo kale”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa 6-dii bishan taageeray dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo dhamaadkii bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay inuu xiriir la lahaa Argagixisada Al-Shabaab.

 

@VOA