Madaxweynihii hore Soomaaliya oo Shir uga qeybgalaya koonfur afrika (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka koonfur afrika  uga qayb galaya shir looga hadlayo caqabadaha haysta Africa, si loo helo natiijo wax ku ool ah oo wax looga qabto xaaladaha dhibaato ee ka jira Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxdii hore ee dalalka koonfur afrika, Tanzania. Tunisia, Nigeria, Soomaaliya iyo qaar kale oo madaxdii Afrika soo martay ka mid ah, waxaana soo qaban qaabisay Hay’adda Thabo Mbeki Foundation.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay ujeedka safarkiisa inuu ku qotomo ka qayb galka Shirkaasi oo madaxdii hore ay isla wadaagi doonaan sida Afrika muhiim ay ugu tahay in xal loo helo caqabadaha haysta.

Shirka ayaa waxaa lagu qabanayaa Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, iyadoo la filaayo gaba gabada shirkaan in la soo saaro waxyaabaha madaxda ay isla garteen. Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud, oo lagu xasuusto inuu si nabad ah ku wareejiyey xilkii kolkii looga adkaaday doorashadii 8 Feberaayo 2017.

Xasan-1 xasan-2 xasan-3 xasan-4