Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sh. Cali Qaloocow iyo wafdi la socda ayaa galabta soo gaaray Magaalada Cadaado Caasimadda kumeelgaarka ah Galmudug. Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey Wasiirka arimaha Gudaha Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur, Madaxa Mashruuca SSF (Somali Stabilitay Fund) Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya Mudane Cali Xaaji.
Dhanka kale wafdigan ayaa waxaa soo dhaweeyey wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Galmudug Mudane Cumar Maxamed Diriiye iyo masuuliyiin kale. Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa ah Qorshaha Qaran ee horumarinta Dalka, iyagoo dhagax dhigi doono Mashaariic horumarineed deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug, sidoo kale waxay kormeeri doonaan maashaariic kale oo hadda socota. Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya ayaa sanadkii hore 2016 Galmudug ku bixiyey 2 Milyan Dollar mashaariic kala duwan oo laga fuliyey degmooyinka Cadaado, Hobyo, Cabudwaaq iyo Balanbale.