Daawo:Munaasabad lagu furayay xaafiiska is kaashatooyinka Galmudug oo lagu qabtay magaalada cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Munasabadda lagu daah furayay xafiiska iskaashatooyinka deeganda galmudug oo xalay lagu qabtay mgaalada Cadaado ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan Galmudug iyo ururrada shqaalaha ee ka jira deegaanka.
ka soo qaybglyaasha munaasabada ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu xariirin doono hawlaha muhiimka ah ee xoogsatada deegaanka oo wax badan laga faa’iidayo.

Maxamed Cusmaan Gutaale madaxa xafiiska iskaashatada Galmudug ayaa sheegay in iskaashatad Soomaaliyeed ay garowsatay furitaanka xafiiskan si la isugu xiro hawlaha hormrineed ee dalka ka socda.

wasiir dawlada arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in hirgalinta iskaashatada Galmudug ay ka maamul ahaan taageerayaan, uuna ka filayo hormar badan inay soo kordhiyaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda shaqada iyo hormarinta shaqaalaha dawla goboleedka galmudug Maxamed C/llahi Aaden ayaa sheegay in iskaashatada looga baagan yahay inay hawlaheeda ku bilowdo meelaha muhiimka ah ee bulshadu tabayso.

3 thoughts on “Daawo:Munaasabad lagu furayay xaafiiska is kaashatooyinka Galmudug oo lagu qabtay magaalada cadaado

Comments are closed.