Sawirro: Xassan Sheekh oo cududiisa Siyaasadeed soo bandhigay

Wararka Maanta

Munaasabad ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu taageerayey Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, Musharax Xassan Sheekh ayaa cududiisa siyaasadeed ku soo bandhigay goobta, waxaana madashada xaadir ku ahaa 220 xildhibaan, kuwaas oo taageersan Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud inuu markale qabto jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan saacado kooban, waxaana socda xod xodasho iyo galaangal siyaasadeed, Waxaana Xasan sheekh lagu tilmaamayaa inuu yahay musharax ugu taagerada badan 22ka musharax.

inkastoo aan siyaasada lagu qiimeyn karin munaasabadan, taageerada saxda ah ayaa la ogaan doonaa beri marka ay dhacdo codeynta musharixiinta, waxaana maanta tanaasulay Musharax C/raxmaan Faroole, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in musharixiin kale tartanka ka haraan.

FB_IMG_1486478722388 FB_IMG_1486478725500 FB_IMG_1486478728541 FB_IMG_1486478732161 FB_IMG_1486478736265