Waxaa saaka soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho diyaarad Xamuul oo ay leedahay shirkadda Turkish Airline.
Diyaaradaan ayaa siday 60 Ton oo mucaawino ah, taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaartu saameysay.
Koox fanaaniin caan ayaa isku xilqaamay inay ka qeyb qaataan gurmadka dadka abaartu saameeysay, iyagoo aruuriyey lacag ka badan 2 milyan oo dollar, Turkish Airline ayaa ku deeqday inay mucaawinadaas lacag la’aan ku geyso Soomaaliya.