Wariye Coldoon oo Maanta Hargeysa maxkamad lagu saarayo

Wararka Maanta

Maanta ayaa la filayaa  in Maxkamad la horkeeno Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon  oo muddo ka badan 45 Cisho ku xiran Magaalada Hargeysa caasimadda maamulka Somaliland.

Wariyeyaasha ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla Hargeysa maanta Wariyaha lasoo taagi doono.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu  ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.

 Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.