(Sawirro) Sidee Garowe lagu soo dhaweeyay Madaxwayne Farmaajo

Wararka Maanta

Wafdi uu hogaamainayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ayaa  waxa ay goor dhaw gaareen maagalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha la calemasaarayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas,uuliyiin kale oo iyaguna soo dhaweynta Madaxweynaha safaf ugu jiray.

Waxaa sidoo kale Barxada Garoowe ilaamaa Garoonka ku safnaa Shacab watay boorar uu ku sawiranyahay Madaxweyne Farmaajo waxa ayna hareersanaayeen wadooyinka Magaaladaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha oo la filayey inuu barxadda Garoowe ugu khudbeeyo kumanaan shacab ah ayaa ka baaqsaday, lama ogo sababta.

Wafdiga Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka dhaceysa Magaalada Garoowe.