RW Abiy Axmed oo Xaliyay Khilaafkii Madaxda DDS

Wararka Maanta

War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Mas,uuliyiinta ugu sareyso Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Abiy ayaa qoraalkaasi soo raaciyay Sawir uu la galay Wasiirka Maaliyada Itoobiya ahna gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Dowlad deegaanka Soomaalida Axmed Shide, iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

R/Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro.

R/wasaare Abiy ayaa sheegay in masu,uuliyiintaani uu ugu dambeyn uu ku qanciyay in ay ka wada shaqeeyaan danaha iyo hormarka ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in wax xoogaa iminka ay u muuqato ifafaalo wanagasan.

Mustafa Cagjar iyo Axmed shide midna ma uusan ka hadal heshiiskaasi la sheegayo in ay gaareen.